Xasuuq soo laabtey: Saxaafada dunida iyo qaraxyada Muqdisho

Image
Soomaaliya ayaa mar kale qabsatay ciwaanadda warbaahinta caalamiga ah kadib qaraxyadii Soobe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa mar kale noqotey ciwaanadda warbaahinta caalamka kadib qaraxyaddii ka dhacay isgoyska Soobe halkaasoo ay ku nafwaayeen tobanaan rayid ah ayna ku dhaawaceen boqolaal kale.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa soo uruuriyey qaabka ay qaar kamid ah saxaafadda caalamka uga warameen weeraraddan ay dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku faalootey: "Qaraxyadii galabta dhacay ayaa burburiyay daaqadihii dhismayaashii ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana cirka isku shareeray qiiq iyo siigo.

Wakaaladda wararka AP ayaa tabisay: "Meydad badan ayaa goobta yaalay waxayna u muuqdeen dad rayid ah oo la socday gaadiidka dadweynaha, halka qaraxa labaad uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayad mashquul badan".

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortey: "Weerarka ayaa ka dhacay isla goobta uu ka dhacay qarixii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca isla bishan [October] sanadkan 2017-ka".

Warbaahinta EuroNews ayaa tiri: "Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada goobaha caanka ah. Qaraxii Sabtidii ayaa ka dhacay meel u dhow wasaaradda waxbarashada oo ay xagjiriintu xoog ku galeen sannadkii 2015-kii iyo wasaaradda arrimaha dibadda".

Majaladda New York Times ayaa daabacdey: "Weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda cusub ee la doortay ay dagaal adag kula jirto falalka argagaxisada ah oo ay qaadayso tallaabooyin hor leh oo lagu bartilmaameedsanayo kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab".

Jariiradda The Guardian ayaa ku warantey: "Xagjiriinta ayaa [kacdoonkaas] kaga jawaabay inay dileen hoggaamiye-beeleedyo caan ah iyagoo isku dayaya inay meesha ka saaraan taageerada [rayidka] ee dowladda".

Telefishinka Al Jazeera ayaa wariyey: "Kooxda ayaa todobaadkii hore sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu go’doomiyay hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo oo ay ku dhinteen 9 qof, 47 kalena ay ku dhaawacmeen".

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa inta badan ka gaabsata dhacdooyinka noocaan oo kale ah waana sababta shacabka ay mar walba isugu haleeyaan saxaafadda madaxa-banaan oo qudheeda wajahaysa cadaadis xoogleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM