Xukuumada iyo Xuquuqda Aadanaha: Xagal-daacin mise ilaalin?
MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda federaalka ayaa si weyn maalinkii shalay ahaa magaalada Muqdisho ugu xustay maalinta xuquuqda aadanaha, iyada oo xitaa uu munaasabadda ka qeybgalay Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare.
Wasiirka koowaad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in illaalinta xuquuqda aadanaha ay tahay waajibaad diini ah oo aysan ahayn arrin kala doorasho ku timaada.
Balse, marka laga tago xafladaha iyo hadalada xukuumadda, waxaa jira eedeymo iyo dhaliilo muuqda oo aanan la iska indho tiri karin, gaar ahaan arrimaha la xiriira xuquuqda hadalka.
Waxyaabaha dowladda federaalka si weyn uga gaabisay ayaa waxaa ka mid ah in aanan weli la dhisin Guddiga Xuquuqda Aadanaha heerka qaran, lamana ansixin sharcigii xuquuqda aadanaha.
Guddigan oo ah mid madax banaan ayaa sidoo kale muhiim u ah dhismaha guddiga Adeegga Garsoorka, kaas oo uu xubin ka noqonayo guddoomiyaha guddiga xuquuqda aadanaha.
Kulan dhowaan ka dhacay magaalada Geneva oo laga yeeshay arrimaha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, ayay Qaramada Midoobay sheegtay in ay jiraan dib u dhacyo iyo gefaf ay dowladda gashay.
Waxyaabaha la iftiimiyay waxaa ka mid ahaa in Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed uusan qeexeynin arrimaha la xiriira jirdilka, taasna ay horseedeen in ciidamada dowladda ay sida au rabaan ula dhaqmaan dadka ay soo xiraan.
Sidoo kale warbixin ay dhowaan soo saartay hay’adda Amnesty Ayaa dowladda loogu baaqay in ay dhibaataynta ka dhaafto wariyeha Rumaanka ku jira ee Cabdalla Muumin.
Ururka SJS oo dhowaan war soo saaray ayaa wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaala ku eedeeyay in uu ka dambeeyo dhibaatada lagu hayo Cabdalle Muumin.
Al Cadaala waxa uu ka hadlay xafladdii maalinta Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna u muuqday nin difaacaya ama u qiil samaynaya dacadiyada lagu hayo weriyeyaasha.
Si kastaba, waddo dheer ayaa u dhiman dowladda in ay ka dhabayso hadalada quruxda badan ee fagaarayaasha laga sheego kaliya ma ahan xuquuqda aadanaha, balse waxaa adeegyada ee aas-aasiga ah sida amniga iyo dhowrida xorriyada.
GAROWE ONLINE