Arday lagu qasbay daawashada muuqaal gaf ku ah Nabi Maxamed

Image
Dhacdadan oo ay ka dhalatay carro xoogan ayaa laga soo wariyey iskuul ku yaala Australia.

CANBERRA, Australia - Ardayad Muslimad ah oo dhigata iskuul ku yaala magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa si weyn uga caroortay sawir-gacmeed uu macalinkeeda ku tilmaamay Nabi Maxamed NNKH.

Sara Ammar, oo ah ardayad dhigata fasalka 11-aad una dhalatay Pakistan, ayaa u sheegtay wakaaladda Anadolu Agency, in macalinka uu ku qasbay ardayda in ay eegaan sawirkan gefka ku ah Nabi Maxamed.

Ammar, oo 16 jir ah, ayaa fasalkan oo lagu barto culuumta warbaahinta gashay bishii hore. "Saacadii koowaad wax walba caadi ayay ahaayeen, hase ahaatee, daqiiqadihii dambe ayay wax kasta is badaleen," ayay tiri.

"Macallimkaygii ayaa markii hore casharka bixinayay, kaddibna wuxuu sawir-gacmeedkan ku soo bandhigay shaashadda oo uu ku yiri, 'Kani waa Nebi Muxamed," ayuu tibaaxdey Cammaar.

Aabaha dhalay ardayadan oo lagu magacaabo Maxamed Cammaar ayaa sheegay in gabadhiisa ay oyneysay markii uu iskuulka ka soo qaadayay, wuxuuna yiri: “Macallinkeeda ayaa ku qasbay inay daawato muuqaalo lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH".

Maxamed ayaa intaas ku daray in uu isla markiiba wacay Iskuulka, balse wuu xirnaa telefoonka, hase ahaatee, wuxuu kadib u dacwooday qeybaha ay khuseyso.

"Waxaan rabaa in aan wacyi geliyo bulshada Muslimiinta ah, waxaan ka sugeynaa raali gelin rasmi ah iskuulka, waxaana rabnaa in macalinka shaqada laga joojiyo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Qaar kamid ah xarumaha waxbarashadda dowladaha reer galbeedka ayaa dhacdooyinka noocaan ah aad looga soo wariyaa. Waalidiinta ardayda Muslimiinta ayaa dhowr jeer cabasho ka gudbiyey balse waxba laga qaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM