Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka
NEW YORK, United States - Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar cambaareynaya dhammaan falalka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah kutubta barakeysan.
Qaraarka ayaa ficiladan ku tilmaamay kuwo xad-gudub ku ah shuruucda caalamiga ah, iyadoo ay jiraan weeraro daandaansi ah oo soo noqnoqday oo ka dhacay dalalka Denmark iyo Sweden.
Hogaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta wadamadda Muslimiinta ayaa ku nuuxnuuxsaday in ceebaynta iyo daandaansiga noocaas ah aysan daboolin shuruucda xoriyatul qawlka.
193-ka xubnood ee golaha loo dhan yahay ayaa ku ansixiyay qaraarka ay soo diyaarisay Morocco si is-afgarad ah, waxaana si weyn u taageeray dalalka Islaamka.
12-kii Luulyo, Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay magaalada Geneva ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Quraanka Kariimka inkastoo dalalka reer galbeedka ay ka codeeyeen qaraarka.
Qaraarka ayaa waxa uu ku baaqay in la cambaareeyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Qur’aanka kariimka ah oo uu ku tilmaamay “falalka nacaybka diimeed”.
Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka waxaana ay la kulmeen dharbaaxo siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed kadib falalkaas.
GAROWE ONLINE