Warbaahinta Sacuudi Carabiya oo baahisay musasal buuq dhaliyey
RIYADH, Saudi Arabia - TV-ga caanka ku ah madadaalada ee Sucuudiga ayaa sii daaya musasalo ay soo saartay Israa’iil oo ku saabsan hawlgallada Maraykanka iyo Mossad ee ka dhanka ah Xisbullah.
Warbaahinta Israa'iil ee Kan ayaa ku dhawaaqday toddobaadkan in xuquuqda baahinta taxanaha musasalada "The Cassandra Prophecy" laga iibiyay shabakadda warbaahinta Sacuudiga ee MBC, sida uu sheegay The Jerusalem Post.
Warbaahinta Carabtu waxay aragtay in musasalka uu diyaar u ahaa in lagu daawado turjumaadyo isugu jira Carabi ama Ingiriisi isla markaana laga daawan karo kanaalka MBC ee Shahid.
Baahinta Taxanaha Israel ee Sucuudiga ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay jiraan warar badan oo soo baxayey sannadkii la soo dhaafay oo ku saabsan inuu caadi noqon karo xiriirka labada dhinac.
Rajada laga qabo heshiiska ayaa sare u kacday horraantii bishii May markii La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan uu ku dhawaaqay in caadinimada Sacuudiga iyo Israa'iil ay ku jirto danta amniga qaranka Mareykanka.
Riyadh ayaa dhankeeda dhowr jeer ku celcelisay in heshiis kasta oo lala galo Israa’iil uu suurtagal noqon doono marka la gaaro xal laga gaaro qabsashada Israa’iil ee dhulka Falastiin.
Sucuudigu ayaan qayb ka ahayn heshiisyada caadiyeynta ee uu Maraykanku dhexdhexaadinayo 2020 ee u dhexeeya Israa’iil iyo waddamada Carabta ee Imaaraadka Carabta, Baxrayn, iyo Marooko.
Sucuudiga iyo Israa’iil ayaa hadda way ka dhow yihiin marka loo eego wakhti kasta oo taariikhda horey ahaa waxaana la aaminsan yahay in ay taas ka dhalatay isbedeladda uu damacsan yahay Maxamed Bil Salmaan.
GAROWE ONLINE