Boqortooyada Sacuudiga oo qaadey xayiraadii saarneyd Xajka

Image
Wasiirka Xajka iyo Cumarada Sacuudiga, Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah, ayaa ku dhawaaqay go'aankan cusub.

RIYADH, Sacuudiga - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday, in xajka sannadkan uu noqon doono sida kuwii ka horreeyay inta aanu billaaban cudurka COVID-19.

Talaabadan ayaa waxay ka dhigan tahay in aanan la xadeyn doonin tirada dadka raba in ay soo xajiyaan iyo xayiraadii loosoo rogay safmareenka Coronavirus aawadiis.

Isaga oo ka hadlayay magaalada ku taalla xeebta Badda Cas ee Jiddah, wasiirka Xajka iyo Cumarada Sacuudiga Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la qaaday xadidaadda xajka.



Xajka sannadkii 2019 ayaa waxaa Xarameynka Shariifka ah tagay in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo qof, hase yeeshee sababo la xiriira faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa sannadki 2020-ki ay boqortooyada ka joojisay Muslimiinta caalamka.

Sannadkaas ayaa waxaa xajiyay kaliyah 1,000 xujaay oo ku nool Sacuudiga.

 Sannadki 2021, boqortooyada ayaa ku xadeysay dadka soo xajiyay 60,000 oo isugu jiray muwaadiniinta Sacuudiga iyo ajnabiga degan Sacuudiga, halka sannadki hore ay xajiyeen ilaa 1 milyan oo qof.

GO + VOA

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM