Cadaadis lagu bilaabay dalalka lagu gubay kitaabka Qur'aanka
JIDDA, Sacuudi Carabiya - Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa dalbaday Talaadadii "tilaabooyin adag oo looga hortagayo" Kutubka Qur'aanka Kariimka ah ee dhawaan lagu gubay dalalka Sweden, Netherlands iyo Denmark.
Xubnaha OIC ayaa bayaan ay soo saareen ku muujiyay “mawqifka guud ee ku aadan diidmadda ka dhanka ah in uusan soo laaban falkaas oo kale" ka dib shir aan caadi ahayn oo ka dhacay Jeddah, Saudi Arabia.
Ka qeybgalayaasha ayaa waxay ka wada hadleen "tallaabooyinka suurtagalka ah oo ay OIC ka qaadi karto kuwa geysta weerarrada Islaam nacaybka naceybka ah".
Xoghayaha Guud ee OIC, Hissein Brahim Taha "wuxuu ku celiyay sida uu uga xun yahay falalka kicinta ah ee ay ku kacayaan dhaqdhaqaaqayaasha midigta-fog, isagoo ku nuux-nuuxsaday in falalkaas ay yihiin falal dambiyeedyo lala beegsaday Muslimiinta, laguna aflagaadeynayo diintooda muqadaska ah, qiyamkooda, iyo astaamahooda," ayaa lagu yiri qoraalka.
Taha wuxuu raaciyey "dowladihii ay khuseysay waa inay qaadaan tillaabooyin adag oo ka hortag ah, gaar ahaan sababtoo ah daandaansigaas waxaa si isdaba joog ah u geystay xagjiriinta midigta fog ee dalalkooda".
Xoghayaha ayaa intaa ku daray in "Ficilka ula kaca ah ee Qur'aanka Kariimka ah lagu xumeynayo iyo aflagaadada Nebi Maxamed (NNKH) waa inaan loo arkin dhacdo caadi ah oo Islaam nacayb ah".
Isagoo xusay in falalka noocan oo kale ah ay "bah-dil toos ah ku yihiin dhammaan 1.6 bilyan oo muslimiin ah". Taha wuxuu codsadey "dhammaan dadka ay khusayso inay tallaabo adag ka qaadaan, si aysan dib ugu soo laaban daandaansiga noocaan ah mustaqbalka".
Todobaadkii hore ayay ahayd markii siyaasiyiinta xagjir ah una dhashay Sweden, Denmark iyo Nederland ay goob fagaare ah ku gubeen Kitaabka Qur'aanka iyadda oo dowladahooda aysan wax talaabo ah ka qaadin xadgudubyaddaas.
GAROWE ONLINE