Dad careysan oo dad qabad-siiyey nin "caayay" diinta Islaamka

Image
Dadweynahan ayaa qofkan si xoog ah ugala soo baxay saldhig boolis oo uu ku xirnaa.

ISLAMABAD, Pakistan - Boqolaal Muslimiin ah oo u daatay saldhig booliis oo ku yaal bariga dalka Pakistan ee Punjab ayaa kala soo baxay qof looga shakiyay inuu aflagaadeeyay diinta Islaamka.

Sarkaal sare ayaa sheegay in nin magaciisa lagu sheegay Waris uu ku jiray xabsiga booliiska kadib markii lagu eedeeyay "inuu xumeeyay bogag ka mid ah kitaabka Quraanka kariimka ah".

Babar Sarfaraz Alpa ayaa xusay in Waris uu sawirro isaga, xaaskiisa iyo mindi ku dhejiyay dhowr bog kitaabka qur'aanka kuna soo bandhigay degmada Nankana ee miyiga ah.

Eedeymaha cayda ah diinta ayaa leh ciqaab dil ah marka loo eego sharciga Pakistan. Alpa waxa uu tibaaxay in dadka careysan ay xoog ku galeen saldhiga ayna Waris ka soo saareen qolkii uu ku xirnaa.

"Iyadda oo booliska isku-dayayo in uu qaboojiyo xaaladda, dadweynaha careysan ayaa dhulka ku dhuftey ninka waxaana ay gubeen meydkiisa," ayuu hadalkiisa intaas kusii daray.

Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ee caalamiga ah iyo Pakistan ayaa sheegay in eedeymaha aflagaadada inta badan loo adeegsaday cabsi gelinta dadka laga tirada badan yahay ee diimaha iyo in lagu xaliyo dhibcooyinka shakhsi ahaaneed.

Dowladda Pakistan ayaa muddo dheer waxaa cadaadis lagu saarayay inay wax ka bedesho sharciyada aflagaadada diinta dalkaasi, balse xoogaga kale ee siyaasadeed ee dalkaasi ayaa si adag uga hortagay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM