France: Qoraa ku been-abuurtey Muslmiinta oo la dacweeyay

Image
Michel Houellebecq ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay fal abuuri kara kicin dadwayne.

PARIS, France - Masjidka weyn ee Paris ayaa ku dhawaaqay in ay gudbinayaan dacwad dambiyeed ka dhan ah qoraa u dhashay Faransiiska kaasoo lagu magacaabo Michel Houellebecq, sida ay qortey Daily Sabah.

Gal-dacwadeedka ayaa waxa uu ku saabsan yahay hadallada ka dhanka ah Muslimiinta. Dhawaqaas ayaa waxa uu yimid xilli dalkaasi ay aad ugu bateen Islaam naceybka.

Dacwadda ayaa la gudbiyey kadib "wadahadal dheer" oo dhexmaray Houellebecq iyo qoraa kale, Michel Onfray, waxaana lagu daabacay majaladda Front Populaire bishii November.

Houellebecq wuxuu maqaalka ku sheegay in dadka u dhashay Faransiiska ay "is hubeynayaan" lagana yaabo in ay weeraraan xarumaha Muslimiinta sababo ku aadan "in dalkooda ka qabsan rabo Islaamka".

Mas'uuliyiinta Masjidka weyn ee Paris ayaa "hadalladan beenta ah" waxay ku tilmaameen "wax aan la aqbali karin oo aan la rumaysan karin" isla markaana abuuraya "iska-hor-keen bulsho".

"Ma rabaan inay cadeeyaan dood kasta oo dadweynaha ah laakiin waxay kiciyaan hadallo iyo falal takoor ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka Masjidka.

Bayaanka ayaa waxa uu intaas ku daray: "Inkasta oo kala aragti-duwanaanta la ogol-yahay, faallooyinka maqaalku waxay ahaayeen kuwa ku baaqaya in la diido oo laga saaro dadka Muslimka oo dhan".

"Xaaladahan oo kale, Masjidka weyn ee Paris wuxuu go'aansaday inuu dacwad ka gudbiyo," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka oo ay si weyn u qaadaadhigeyso warbaahinta ku howlgasha gudaha Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM