Islaam-diidka Jarmalka oo daraasad laga soo saarey
BARLIN, Germany - Dabeecadaha ka dhanka ah Muslimiinta ayaa ku baahsan dalka Jarmalka, sida lagu sheegay daraasad dhowaan ay sameeyeen Golaha Khubarada ee Isdhexgalka iyo Socdaalka (SVR).
Ku dhawaad 48% ka mid ah dadkii la waraystay ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in "Islaamku aanu la jaan qaadi karin bulshada Jarmalka", halka 29% ay soo jeediyeen in la xaddido ku dhaqanka Islaamka ee dalka.
"Dabeecadaha xun ee ka dhamka Islaamka ayaa ku baahsan dhammaan kooxaha la baaray - dadka asalkoodu yahay socdaalka iyo kuwa aan lahayn," ayay cilmi-baarayaashu ku sheegeen warbixintooda.
Ku dhawaad 44% dadka Jarmalka ah ee la waraystay ayaa ku dooday in ururada Muslimiinta ay tahay in ay la socdaan hay’adaha ammaanka ee gobolka, halka 16% oo kaliya ay kasoo horjeesteen tallaabadaas.
Dabeecadaha Islaam-diidka ayaa caan baxay kadib soogalootiga Jarmalka tagay ee ka yimid dalalka aan Muslimka ahayn. Dadka xiriirka bulshada la lahaa Muslimiinta, si kastaba ha ahaatee, waxay ahaayeen kuwo aad u yar oo u janjeera inay qabtaan dabeecadaha ka dhanka ah Islaamka, sida lagu sheegay warbixinta.
Dalkan ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay kusoo badanayay cunsuriyadda iyo Islaam nacaybka, waana wax ka dhashay dacaayadaha kooxaha iyo xisbiyada midigta-fog, kuwaas oo ka faa’idaystay dhibaatada qaxootiga, iskuna dayeen inay kiciyaan dareenka dadka Jarmalka ee ku aadan cabsida dadka soo galootiga ah.
Mas'uuliyiinta Jarmalku waxa ay diwaan galiyeen ugu yaraan 662 dambi nacayb nacayb ah sanadkii 2021. In ka badan 46 masaajid ayaa la weeraray intii u dhaxaysay January iyo December ee sanadkii hore, ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhaawacmay rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta.
GAROWE ONLINE