Macalimad loo eryay in ay carqaladeysay arday tukanaysa

Image
Muuqaal si weyn ugu faafay Tiktok ayaa sabab u noqdey in la racdeeyo haweenaydan.

WASHINGTON, USA - Macalimad wax ka dhigta iskuul ku yaala gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryay kadib markii lagu eedeeyay in ay khalkhal galisay ardayda muslimiin ah oo salaad u taagnaa.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii muuqaal muujinaya laba arday oo Muslimiin ah oo ku wada tukanayay dugsiga Franklin Academy Charter School ee magaalada Pembroke Pines uu ku faafay TikTok iyada oo in ka badan 7.5 milyan oo qof ay daawadeen.

Muuqaalka ayaa muujinaya qof dumar ah oo sheeganaysa in qolka ay ardaydu ku tukunayeen uu yahay xafiiskeeda waxayna kadib leedahay: "Dhammaantiin waxaad samaynaysaan sixir".

"Maxay u joogaan xafiiskayga? Yaa u sheegay inay halkan soo galaan?" Macalimada ayaa la maqlayaa iyadda sidaas leh. Qof kale ayaa ugu jawaabay: "Way tukanayaan".

Kadib markii hadaladaas ay kasoo yeereen, haweenayda ayaa isku-dayaysa in ay carqaladeyso ardayda tukanaysa iyadda oo ku dhawaatay in ay ku istaagto gacanta mid kamid ah wiilasha.

Ilaa hadda ma cadda in ardaydu fasax u haystaan ​​inay ku tukadaan iskuulka iyo inay u baahan yihiin fasax. Sidoo kale lama ogga in qolka uu ahaa xafiis gaar ah ee macalimada iyo sababta ardaydu uga duubeen muuqaalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka iskuulka ayaa lagu sheegay in muuqaalka uu dhibaato usoo jiiday hogaanka dugsiga waxaana ay sheegeen in aysan ogolaan karin "nooc kasta oo takoor ah".

"In kasta oo aynaan ka hadlin arrimaha shaqaalaha, waxaan la wadaagi karnaa in macalimada in aysan wixii hadda ka dambeeya xubin ka ahayn shaqaalaha Akademiyada Franklin," ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ay ku badan yihiin falalka cunsuriyada ee lagula kaco Muslimiinta iyo dadka kale ee madowga ah waxaana mas'uuliyiinta lagu dhaleeceeyay in aysan waxba ka qaban dhibaatooyinkan culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM