Maxkamada Sare ee Yurub oo xukuntey kiis la xiriira Xijaabka
BRUSSELS, Belgium - Maxkamadda sare ee Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqday go’aan muran badan dhaliyay kaasoo u ogolaanaya loo shaqeeyayaasha inay mamnuucaan muujinta astaamaha diinta.
Xukunkan oo ka careysiiyey Muslimiin badan ayaa wuxuu joojinayaan falsafada ama ruuxa ahaan in astaamaha diimaha lagu soo bandhigo shirkadaha ku yaala wadamadda qaaradda Yurub.
Go'aankan ayaa wuxuu ka dambeeyay ka gadaal markii haweeney Muslimad ah oo xijaaban ay racfaan ka qaadatay xayiraad ay kusoo rogtey shirkad reer Yurub oo ay u shaqeyneysay.
Haweenaydan ayaa ku nool waddanka Belgium-ka. Kiiskeeda wuxuu banaanka soo dhigay wajiga daahsoon ee Yurub marka ay timaado in qof kasta uu xor u yahay una amdax-banaan yahay diintiisa, sida ay sheegeen ururada Islaamka.
Xeer-beegtada ayaa u sheegtay in aan la siin karin shaqo tababar maadaama aan shirkadda laga ogolayn "in madaxa la qariyo". Kadib waxay gudbisay dacwad ay ku sheegtay in lagu takooray diinteeda.
"Si kastaba ha ahaatee, xeerarka shaqaaleysiinta ee noocan oo kale ah waxay noqon karaan takoor aan toos ahayn haddii shuruudaha dhexdhexaadka ah ay u horseedaan diin gaar ah ama caqiidada si gaar ah loo liito," ayay raacisay maxkamadda.
Yurub ayaa waxaa ku nool Muslimiin badan. Faransiiska ayaa ah waddanka ay ku nool Muslimiinta ugu badan. Balse, tacadiyadda loo geysto oo isugu jira faquuq toos ah iyo xdgudub dhanka diinta ah waa mid sareysa.
GAROWE ONLINE