Mulkiile maqaayad oo loo gaxaanay takoorka hooyo Muslim ah

Image
Xeerbeegtada magaalada Bayonne ee gobolka Basque ayaa go'aamisay in 64-jirtan ay sameysay fal takoor ah.

PARIS, France - Maxkamad ku taal dalka Faransiiska ayaa waxay ganaax ku ridday mulkiile maqaayad oo ku taal Koonfur-galbeed ee Faransiiska ka dib markii ay mamnuucday in haweeney Muslimad ah ay mehrada ku gasho xijaabka.

Xeerbeegtada magaalada Bayonne ee gobolka Basque ayaa go'aamisay in 64-jirtan ay sameysay fal takoor xagga diinta ah kadib markii ay macaamiisheeda ka codsatay in ay bixiso xijaabka.

Dhacdadan ayaa dhacday maalinta hooyada ee bisha Luulyo, markaasoo haweeneyda Muslimadda ah ay u aaday maqaayadda si ay u wada casheeyaan wiilkeeda.

Muuqaal laga helay dhacdada ayaa muujinaya hooyada iyo wiilkeeda oo soo gaaray albaabka maqaayadda, waxaana haweeneyda meheradda leh ay sheegtay in aysan u ogolaan doonin in labada macaamiil ay soo galaan maqaayadda sababo ku aadan indho-shareerka iyo xijaabka.

Milkiilaha makhaayadda, oo la aaminsan yahay inay tahay Masiixi, ayaa waxay ku andacootay in "xijaabku yahay qalab lagu hoosgeliyo haweenka" macmiilkeeda Muslimka ah, oo ay markaas diiday inay soo gasho.

Weerarada Islaam nacaybka iyo takoorka ah ee ka dhanka ah haweenka xijaaban, Muslimiinta iyo xarumaha Islaamiga ah iyo goobaha cibaadada ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay si weyn u kordhay gudaha Faransiiska.

Dhawaan, maamulka degmada Grenoble ayaa joojiyey in dharka xijaaban lagu tago goobaha lagu dabaasho. Balse, ayaa hakisay maxkamad. Go'aankaas wuxuu ka dhashay amar ku bixiyay wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM