Wikipedia oo loo xanibay faafinta "cay ka dhan ah Islaamka"
ISLAMABAD, Paistan - Shirkadda Wikipedia ayaa laga xannibay gudaha Pakistan sababo ku aadan "marti-gelinta arrimo diin aflagaadeyn ah," sidda ay ku warantey saxaafadda maxaliga ah.
Tallaabadan ayaa lagu dhawaaqay Sabtidii ka dib markii bartan sida bilaashka ah lagu daalacdo la siiyay 48-saacadood oo kama dambays ah si looga saaro waxyaabaha qaarkood.
Maamulka Isgaarsiinta Pakistan ee magacooda loosoo gaabiyo PTA ayaa carabka ku adkeeyay in shirkadda Wikipedia uu ku guuldareystay inuu u hogaansamo amarkii la siiyey.
Hay'adda Wikimedia Foundation, oo martigelisa Wikipedia, ayaa sheegtay in mamnuuciddan ay ka dhigan tahay in Pakistaniyiinta loo diidi doono inay "helaan kaydka aqoonta bilaashka ah ee ugu weyn".
Aflagaadada ka dhanka ah diinta waa mawduuc aad xasaasi ka gudaha Pakistan. Tinder, Facebook iyo YouTube ayaa horay looga xayiray dalka ay muslimiinta u badan yihiin.
Hay'adda Wikimedia Foundation ayaa sheegtay in haddii mamnuuciddan ay sii socoto ay "qof walba oo ku nool Pakistan loo diiday barashada aqoonta, taariikhda iyo dhaqanka".
Pakistan waxay 2010-kii xayirtay YouTube-ka sabab ku aadan "burinta arrimo muqadas ah". Facebook ayaa la xayiray 2010 kadib markii lagu faafiyey sawir loogu gafay Nabi Muxamed [NNKH].
GAROWE ONLINE