Sucuudiga oo markii ugu horeysey laga xusey ciidda masiixiga

Image
Waxyaabaha sida aadka loo keeney waxaa ka mid ahaa geedka gaarka u ah ciiddan, iyo dharka la xidho.

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Waxaa markii ugu horeysey ciidda masiixiyiinta laga xusey dalka boqortooyada Sucuudiga oo xarun u ah labo ka mid ah goobahaha cibaadada ee ugu baraysan Islaamka, waa Makka iyo Madiine.

Inkasta oo aysan jirin ogeysiis rasmi ah oo dowladda bixisay, haddane waxaa si shaac ah dadka astaamaha ciiddan ugu soo bandhigayeen goobaha ganacsiyada iyo meelaha waaweyn ee lagu dukaamaysto.

Waxyaabaha sida aadka loo keeney waxaa ka mid ahaa geedka gaarka u ah ciiddan, iyo dharka la xidho, si lamid ah hadiyadaha kala duwan ee lagu xuso.

Waxaa la sheegay in sababta loo ogolaaday ay qeyb ka tahay isbadelka xawliga ku socda ee ay boqortooyada ka samaysay dhaqanka bulshada, iyada oo markani lasoo jiidanayo dadka ajaaniibta tirada badan ee shaqada ama dalxiiska u yimaada Sucuudiga, lana doonayo in ay helaan sababo badan oo xilliyada fasaxyada kusoo aadaan Sucuudiga.

Boqortooyada ayaa horey u qafiifisey waxyaabo badan oo markii hore xayiraad saarnayd sida is dhexgalka ragga iyo dumarka, daawashada shineemooyinka, in dumarka baabuuta wadaan iyo waxyaabo kale.

Balse dadka dhaliila xukunka reer Aala Sucuud, ayaa sheegaya in talaabooyinkan ay ku qarinayaan gaboodfalada la sheegay in ay ku kacaan ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, iskana jeedinayaan indhaha reer Galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM