Sweden: Caro ka dhalatay dugsiyo Islaami ah oo la xiray

Image
Ururada muslimiinta, cilmi-baarayaasha iyo iskuullada ayaa dowladda waxay ku eedeeyeen "naceyb ka dhan Islaamka".

STOCKHOM, Sweden - Dowladda Sweden ayaa dooneysa inay xirto iskuullo badan oo ay leeyihiin bulshada Muslimiinta ah ee dalkaasi xilli ay u horey u beegsatay ganacsi ay leeyihiin Muslimiin taasoo sababtey caro iyo qaylo-dhaan culus.

Horaantii sanadkan, wasiirka waxbarashada Lena Axelsson Kjellblum ayaa shir jaraa’id ku sheegtay in dowladeeda ay soo saartay sharci looga gol leeyahay in lagu mamnuuco dhismaha waxa loogu yeero "dugsiyo diini ah oo madax banaan".

Sharcigu wuxuu asal ahaan ka hor istaagayaa dugsiyadu inay balaariyaan iyadoo la kordhinayo tirada ardaydooda ama fasalo cusub la furayo laga bilaabo 2024 wixii ka dambeeya.

Waxa ilaa hadda sharcigan lagu bartilmaameedsaday dugsiyo Islaami ah, taas oo kicisay qeylo dhaan ka soo yeertay ururada muslimiinta, cilmi-baarayaasha iyo iskuullada.

Darafyadan ayaa ku doodaya in go’aanka lagu xiray dugsiyada Islaamiga ah uusan ku saleysneyn natiijo xumo dhanka waxbarashada ah ama dhaliilo kale oo dhanka waxbarashada ah, balse ay siyaasad ahaan ka soo horjeedaan diinta Islaamka.

Maxamed Amiin Kharraki, oo ah madaxa dugsiga madaxa-bannaan ee Muslim School Framstegsskolan oo ku yaalla xaafadda Ragsved ee magaalada Stockholm, ayaa wakaaladda Anadolu Agency (AA) u sheegay in ku dhawaad ​​20 dugsi oo Islaami ah ama kuwa ay muslimiintu leeyihiin la xirayo iyadoo saddex keliya ay harsan yihiin ayna dacwad ka gudbiyeen go'aankan.

Bishii Maajo ee la soo dhaafay, kormeerka iskuullada dalka ayaa ku dhawaaqay in la xiray Framstegsskolan. Dugsigu wuxuu ku guuleystey rafcaan, maxkamadda maamulkuna waxay sheegtay in go'aanka uusan sii socon, iyadoo la sugayo xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM