Sweden: Caro ka dhalatay kitaab Qur'aan oo la waxyeeleeyay

Image
Falkan ayaa qeyb ka ah dhacdooyin cunsuriyad ah oo lagu beegsanayo Masaajida Muslimiinta.

LONDON, UK - Mas'uuliyiinta masjid ku yaala magaalada Stockholm ayaa cambaareeyay weerar ay la kulmeen kaasoo waxyeelo lagu gaarsiiyey dhowr kitaab oo qur’aanka ah lagana laadlaadiyay albaabka masjidka.

Sawirro uu soo bandhigay maamulka masjidka ku yaala bartamaha caasimada Sweden ayaa muujinaya kutubka barakeysan oo lagu xiray silsilado bir bir ah oo yaalla bannaanka Masjidka.

Weerarkan oo dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Masjidkan ay maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayeen hanjabaadyo ku saabsan weeraro noocaan ah

"Masaajidkayada iyo jameecadayada si aad ah ayaa loogu hanjabayaa. Cunsuriyiintu waxay had iyo jeer sameeyaan isku day cusub oo ay ku xumeeyaan kuwa aan iyaga oo kale ahayn," ayuu maamulka ku yiri qoraal.

Dowladda iyo Booliska Sweden ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo ay la sameysay warbaahinta caalamiga ah ayaysan kasoo jawaabin codsi faalo bixin ah.

Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wuxuu u muuqday bartilmaameedka kooxaha midigta fog ee weerarada abaabulan ku qaadaya Masaajida.

Rasmus Paludan oo haysta dhalashada Sweden iyo Denmark, ayaa hogaaminaya xisbiga midigta fog, waxaana uu si furan ugu baaqay in la gubo kitaabka Qur'aan taasoo dhalisay caro iyo mudaaharaadyo rabshado wata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM