Wadaad fariimo "qaldan" ka faafiyey Covid-19 oo la xukumay

Image
Kazi Ibrahim, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in talaalka fayruska ay ku jiraan qalab "wax basaasaya".

DHAKA, Bangladesh - Maxkamad ku taala waddanka Bangladesh ayaa dambi ku heshay daaci caan ah oo Muslim ah kaasoo sheegtay in Israa'iil ay isticmaalaysay tallaalka Covid-19 si ay u basaasto dadweynaha adduunka.

Kazi Ibrahim, oo 62 jir ah, ayaa maamula masaajid ku yaal bartamaha magaalada Dhaka. Ciwaano uu ku leeyahay internet-ka ayaa la sheegay in uu ku faafiyey fariimo been-abuur oo ku saabsan Coronavirus.

Mid kamid ah khudbadaha aadka u faafay ee uu jeediyay ayuu shaaca kaga dhigay in uu helay qaacido xisaabeed oo loo isticmaali karo in lagu sameeyo tallaal guri lagu sameeyo.

Ibrahim waxaa loo xiray kicin diimeed dabayaaqadii 2021, sida uu dhigayo Sharciga Amniga Dijital-ka ah ee Bangladesh, in kasta oo booliisku uusan si cad u shaacin hadal-jeedinta gaarka ah ee lagu soo oogay.

Sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, waxa uu qirtay dambiga lagu soo oogay, waxaana Isniintii todobaadkan ay maxkamadi ku xukuntay saddex sano oo xarig ah.

Iyadoo shaqaalaha caafimaadka ee Bangladesh ay u dagaalameen sidii loo xakameyn lahaa masiibada, Ibraahim ayaa lagu eedeeyay in uu dadweynaha ku booriyey in aysan qaadan talaalka Covid-19.

Talooyinka ka yimid madaxweynihii Brazil ee xilligaas Jair Bolsonaro ee ahaa talaalka uu horseedi karo in haweenka gar yeeshaan raggana codad xun yeeshaan ayuu si weyn u taageeray.

Aasaasaha Microsoft iyo samafale Bill Gates ayuu ku eedeeyay in ay ku wehliyaan Israa’iil qorshe uu ku sheegay in talaalka ay dhex-geliyaan qalab sahlaya in ay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa bulshadda aduunka taasoo been ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM