Jubaland oo muraayadda ka dalacatay maamulka Xasan Sheekh
KISMAAYO, Jubaland - Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland ayaa Isniinta maanta ah waxay ku dhawaaqdey in maamulka uu hakiyay wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay baalmartey dastuurka dalka, in ay hagar-daameysay la dagaalanka Al-Shabaab iyo in ay abuureyso firaaq dastuuri ah.
Go'aanka ay Jubaland ku joojisay xiriirkii dowlada federaalka ayaa yimid saacado kadib markii uu soo baxay warar sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya la hadashay ciidamada ATMIS, iyaga oo u soo jeediyey in ay la wareegaan maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, oo ah magaalo madaxda ku-meel gaarka ah ee Jubaland.
Hase yeeshee, ATMIS ayaa sheegtay in aysan awoodin tallaabadan, maadaama mas’uuliyadda garoonka ay haatan ku jirto gacanta maamulka Jubaland.
Qorshahaan ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku talojiro inuu booqasho ku tago Kismaayo.
Xogta ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha oo asal ahaan ka soo jeeda Jubaland uu damacsan yahay inuu ka horyimaado qorshaha Jubaland doorasho ku qabsaneyso taas oo horseedi karta qalalaase ciidan iyo mid siyaasadeed.
Waxaa xusid mudan in markii ugu dambeysay ee Jubaland doorasho ka dhacdo taasoo dib loogu doortey Madaxweyne Axmed Madoob ay dowladdii hore ee uu Madaxweyne Farmaajo madaxda ka ahaa isku dayday inay ciidamo Itoobiyaan ah geeyaan garoonka Kismaayo, taas oo ay ka hortageen ciidamada Jubaland.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa muujinaya in maamulka Kismaayo ay haatan shir degdeg ah ku jiraan, iyadoo la filayo in qoraal rasmi ah ka soo saaraan arrimahan soo kordhay.
Sikastaba ha ahaatee, go'aanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubaland ayaa la macno ah in ay soo xirantay fursadii uu Xamse ku tagi lahaa Kismaayo isla markaana wax walba aysan caadi sii ahaan doonin.
GAROWE ONLINE