11 kamid ah ciidamada ammaanka Ethiopia oo la dilay

Image

Xukuumadda dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in Kow iyo Toban kamid ah ciidamada ammaanka dalkaasi lagu dilay magaalada Gonder ee Waqooyi Galbeed dalkaasi.

Dilkan ayaa yimi kadib rabshado ka dhacay magaaladaasi, waxaana dowladda Ethiopia arrintaasi ku eedaysay xukuumadda Eretria.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegay in arrintan ka dhalatay bannaanbax  ay sameeyeen dadka kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada kuwaasoo diidanaa in dhulkooda lagu daro gobolka Tigreega.

Rabshadahan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay xukuumadda Adis Ababa.

Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa saameeyay banaanbaxyo ay samaynayaan dadka Oromada ee waddanka ugu badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM