​11 qof oo ku dhimatay Dab qabsaday hotel ku yaal Pakistan

Image

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay, 75 kalena way ku dhaawacmeen Dab xooggan oo qabsaday Hotel wayn oo ku yaallo magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Saraakiisha dalka Pakistan ayaa sheegay in Dabka uu ka kacay gudaha Regent Plaza Hotel oo kamid ah Hoteellada ugu caansan Karachi, xalay saqdii dhexe xilli ay dadka huradeen.

Gudoomiyaha magaalada Waseem Akhtar ayaa u sheegay Warfidiyeenka in Dadka ku dhintay masiibadaas ay ahaayeen Muwaadiniin u dhashay dalka Pakistan.

Dadka ayaa qaarkood kasoo booday Daaqadaha Regent Plaza Hotel oo ka kooban sideed Dabaq, waxaana sidoo kale jiray dad badan oo ku neef-qabatoomay dabka oo lasoo badbaadiyay.

Ciyaaryahano caan ah, oo Cricket-ka ciyaar una dhashay dalka Pakistan iyo dad kaloo ajnabi ah, ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay Dabka, sida uu sheegay Mayor-ka magaalada Karachi Waseem Akhtar.

Booliska magaalada ayaa sheegay in wali aysan cadayn sababta dabka keentay, balse ay samaynayaan baaritaan lagu ogaanayo waxa dhaliyay.

Inta badan dadka ka kaca Dhismooyinka ku yaalla dalka Pakistan ayaa waxaa sababo cillad Koronto, waxaana dowladda dalkaasi ay sheegtay inay qaadayso tallaabooyin looga hortagayo arrimahaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM