​140 rayid ah oo Ethiopia lagu dilay

Image

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in rag hubaysan oo kasoo gudbay xadka Koonfurta Sudan, dalka Ethiopia ku dileen ugu yaraan 140 qof rayid ah, waxaana dadka la laayay ku jira haween iyo carruur.

Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka Gambela oo ku yaalla xadka labada waddan oo fariisin u ah in kabadan 284,000 oo qaxooti kasoo cararay colaadda ka jirta qaranka ugu cimriga yar dunida.

Kooxahan dilka gaystay, wax xiriir ah lama lahan ciidamada qalabka sida Koonfurta Sudan iyo fallaagada hubaysan ee dagaalka kula jirta xukuumadda Jubba.

Arrintan waxaa lagu shaaciyay war kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta dalka Ethiopia, walow aan la xusin xilliga weerarku dhacay.

David Shinn, oo aqoonyahay xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda George Washington, islamarkaana soo noqday safiirka dalka Maraykanka u fadhigay Ethipia, ayaa sheegay in gobolka leeyahay colaad taariikh dheer oo ku salaysan xuduuda labada dhinac.

"Khilaafka ka jira Koofurta Sudan, ayaa waxay dhalisay inay qaxooti badan u qaxaan dhanka Ethiopia. Sidoo kalena kooxaha fallagada ayaa ka gudba gobolka Gambela. Layaab malahan maahan oo waxaa jirta colaad in qalalaaso dalkaasi ka dhaca," Sidaasi waxaa yiri Prof: David Shinn.

Arrinta waxa faah faahin ah kama bixin dhibkan ka dhacay dalka Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM