​15 ku dhimatay qarax ka dhacay Suuriya

Image

Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee uu saldhigoodu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in qarax ka dhacay gobolka Idlib ee uu mucaaradku ka taliyo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof tobbanaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Kooxdan ayaa sheegtay in khasaaraha loo maleynayo inay ku jiraan dagaalyahaanada falaagada iyo ciddamada ilaalada xuduuda ee Turkiga.

Kooxda dowladda Islaamiga oo sii daayay dad la haysta u ahaaImage copyrightREUTERS

Kooxda dowladda Islaamiga oo sii daayay dad la haysta u ahaa

Qof ismiidaamiyay ayaa lagu soo waramayaa in suun uu ka soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxiyey gaari ay ku safrayeen dagaalyahanno kaas oo marayay meel u dhaw xuduuda magaalada Atmeh.

Dowladda Suuriya ayaa ku eedeysay dhigeeda Turkiga inay fududeynayso qulqulka dagalyahanada iyo saadka ay ka helaan dhulka ay heystaan ee Suuriya ee ku teedsan xududeeda.

Sidoo kale waxaa jiray warar sheegaya in dagaal kale oo culus uu ka soconayo magaalada Xalab halkaasi oo dagaalyahanada mucaraadka ay gaari miineysan u direen xaafada Zahraa ee ay maamusho dowladda.

BBC

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM