150 qof oo ku geeriyoodey shil diyaaradeed oo ka dhacay France

Image

March 24, 2014 (GO)- 150 qof ayaa ku dhintey shil diyaaradeed oo gelinkii hore ee maanta ka dhacay dalka France.

Diyaaradan oo ay leedahay shirkadda Germanwings waxay kasoo duushey magaalada Barcelona ee dalka Spain iyadoo kusii jeeddey magaalada Dusseldorf ee dalka Germany.

Goor hore oo saaka ahayd ayey diyaaraddu ku dhacdey buuraha Alps lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay shilkan.

Shilalka diyaaradaha ayaa labadii sano ee ugu dambeyey kusooo badanayey dunida, waxaana xusid mudan in saddexdii shil ee ugu dambeeyey ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM