Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Image

WASHINGTON - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa Madaxweyne Donald Trump ku eedeeyay inuu go’aanno khaldan ka qaatay dagaalka Iran, isagoo sheegay in colaadda ay Iran siisay awood istaraatiiji ah oo ka weyn tii ay lahayd ka hor dagaalka, gaar ahaan xakamaynta marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii, xilli uu taageero u raadinayay musharraxiinta Xisbiga Dimuqraadiga ee doorashooyinka dhexe ee Mareykanka.

Obama ayaa ku tilmaamay dagaalka mid aan loo baahnayn, wuxuuna su’aal geliyay guulaha uu Mareykanku ka gaaray toddobadii bilood ee uu dagaalku socday. Wuxuu sheegay in weerarrada lagu qaaday xulafada Mareykanka iyo saldhigyadiisa, dhimashada askarta Mareykanka iyo khasaaraha soo gaaray kaydka gantaallada ay muujinayaan caqabadaha uu wajahayo maamulka Trump.
 
“Iran hadda waxay awood u leedahay inay go’aan ka gaarto marinka Hormuz, halkaas oo shidaalka adduunku maro. Sidaas darteed, waxay maanta ku jirtaa xaalad istaraatiiji ah oo ka wanaagsan tii ay ku jirtay ka hor inta uusan dagaalku bilaaban,” ayuu yiri Obama, isagoo dhaliilaya natiijada dagaalka iyo saameynta uu ku yeeshay isu-socodka shidaalka caalamka. 

Obama ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay dagaalka hadda socda iyo heshiiskii nukliyeerka Iran ee la gaaray 2015-kii, xilligii uu madaxweynaha ahaa. Wuxuu sheegay in diblomaasiyadda ay suurtagelisay in la xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iran iyada oo aan la adeegsan awood milatari, isagoo dhaliilay go’aankii Trump ee ahaa inuu Mareykanka kala baxo heshiiskaas sannadkii 2018-kii.
 
Dhaliisha Obama ayaa imaanaysa iyadoo dagaalka Iran uu saameyn ku yeeshay isu-socodka maraakiibta iyo suuqyada tamarta, isla markaana kor u qaaday qiimaha shidaalka. Hadalladiisa ayaa qeyb ka ahaa ololaha Dimuqraadiyiinta ee doorashooyinka dhexe ee 3-da Nofeembar, kuwaas oo lagu dooran doono xubnaha Aqalka Wakiillada iyo qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Senate-ka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM