​18 qof oo ku dhimatay shil Tareen oo ka dhacay Pakistan

Image

Warbaahinta dalka Pakistan, ayaa baahisay sawirro iyo muuqaalo kala duwan oo ka waramaya shil tareen oo maanta ka dhacay magaalada Karachi gaar ahaan halka laga raaco Tareenada ee Landi.

Shilkaas waxaa ku dhintay 18 ruux, waxaana ku dhaawacmay in kabadan 50 qof.

Booliiska ayaa amar lagu siiyay inay baaraan dhacdadaas kadib markii Ra'ilsa wasaare Nawaz Sharif uu la hadlay warbaahinta.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhac-dadan timid kadib markii ay isku dhaceen labo tareen oo howli sare ku socday.

Mid kamid labadaas Tareen ayaa ku dul dhacay mid kale oo taagnaa meel boosteejo ah.

Kooxaha gurmadka, oo adeegsanaya qalabka biraha lagu kala jaro, ayaa dadaal ugu jira sidii loo bad-baadin lahaa dadka ku xayiran taraanadaas.

Maha markii ugu horaysay ee shir Tareen uu ka dhaco dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM