​20 ku dhimatay labo taareen oo isku dhacay Talyaaniga

Image

Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 ruux ku dhinteen shil ka dhacay meel u dhow magaalada Andria, Koonfurta waddankaasi.

Shilkan ayaa yimi xilli labada Tareen marayeen hal jid, waxaana goobtaasi ku dhaawacmay ilaa 20 qof.

Lama oga sababta keentay shilkan, waxaana goobtaasi masiibadu ka dhacday gaaray saraakiil katirsan laamaha ammaanka iyo waaxda dab damiska dalkaasi.

Sawirro laga qaaday Hawada ayaa muujinaya bur-bur xooggan oo labada tareen soo gaaray.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka iyadoo warar aan kasoo xiganay saraakiisha Caafimaadka oo u waramay warbaahinta dalkaasi sheegeen in tirada dhimashada siyaadi karto.

Ra'isal wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa warbaahinta caalamiga ah u sheegay, "Ma joojin doono baaritaanka aan wadno ilaa aan ku caddayno sida wax u dhaceen iyo sababta keentay".

Renzi, ayaa hadalkiisa raaciyay,"Waqtigan waa waqti murugo, waxaan u baahanahay inaan qabano shaqo adag si ay usoo kabtaan dhibanayaasha shilkan iyo dadka dhaawacmay".

Masiibo tanoo kale ah waxaa u dambaysay 2009 xilligaas oo dalkaasi bartamahiisa gaar ahaan Viareggio isku dhaceen labo tareen, waxaana ku dhintay 30 qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM