​22 ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Baqdaad

Image

BAQDAAD- In kabadan 22 qof ayaa lagu dilay labo qaraxyo oo ka dhacay baratamaha magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Dadka ayaa dhintay kadib markii baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday deegaan ganacsi oo ku yaala degmo ku taala bariga Baqdaad.

Sidoo kale qarax ismiidaamin ah oo baabuur loo adeegsaday ayaa waxa lala eegtay bar kontorool oo milatariga dalkaasi ku leeyahay Woqooyiga caasimadda, halkaasi oo ay ku dhinteen toddobo askari.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi, haseyeeshee kooxda khilaafada islaamka ayaa bilihii ugu dambeeyay qaadeysay inta badan weerarrada noocaasi ah.

Milatariga dalkaasi Ciraaq ayaa hadda isku dayaya in uu kooxdani ka saaro magaalada Faluuja oo 60 kiloomitir dhanka galbeed ka xigta Baqdaad

Arrintan, ayaa kusoo beegantay xilli muddooyinkii dambe weeraro qroshaysan laga fulinayay bartamaha dalka Ciraaq, waxaana mas'uuliyadda falalkaasi sheeganaysay kooxda ISIS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM