​25 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Colombia

Image

Wararka ka imaanaya waddanka Colombia ayaa sheegaya inay bur-burtay diyaarad siday koox Cayaartooy reer Brazil ah taasoo kasoo duushay waddanka Bolivia.

Diyaaraddan ayaa siday 81 ruux, waxayna dhacday  iyadoo ku dhaw magaalada Medellin ee dalka Colombia, sida ay saraakiishu waddankaasi xaqiijiyeen.

Shilkaas waxaa ka bad-baaday 6 ruux, waxaana ku geeriyooday 25 qof oo kale. Waxaa iminka la baadi goobayaa dadkii kale iyo sababta bur-burka keenay.

Kooxda shilka gashay oo lagu magacaabo Chapecoense,  waxay ciyaar kama dambays la dheeli lahayd kooxda Atletico Nacional.

Jawiga goobta diyaaraddu ku dhacday ayaa waxaa ka da'ayay roobab laxaad leh, kuwaasoo loo aanaynayo shilka Diyaaraddaasi.

Sawirro ay soo qaadeen warbaahinta gudaha ayaa muujinayay dhibaato baahsan oo gaartay diyaaraddaas oo iminka gacanta ku hayaan baaristeen Booliiska waddanka Colombia.

Kooxdan katimid Magaalada Chapeco oo dhacda Koonfurta waddanka Brazil ayaa usoo baxday 2014 heerka koowaad kooxaha dalkaas ka dhisan, waxayna gaartay Finalka kooba America Asbuuc kahor markii ay gaaracday kooxda reer Argentine ee San Lorenzo.

Xiriirka kubadda cagta South America, ayaa shilka kadib ku dhawaaqay inay joojiyeen koobkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM