​28 ku dhintay weerar ka dhacay Kabul

Image

KABUL- Maleeshiyo ka tirsan kooxda Daalibaan ayaa weerar qaraxyo iyo rasaas isugu jira maanta ka fuliyey magaalada Kabul ee xarunta waddanka Afghanistan, waxa ay ku dileen ugu yaraan 28 qof, ayagoo dhaawacay in ka badan 327, sida ay sheegeen booliiska iyo saraakiil caafimaad.

Weerarka, waxaa lagu qaaday dhisme ay daganaayeen saraakiil katirsan ciidamada gaarka ah iyo kuwa sirdoonka, waxaana wehelinayay ciidamo qaabilsan sugidda amniga saraakiisha dowladda.

Saraakiisha ayaa sheegay in markaa kadib ay xigtay dagaal ka dhex qarxay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada amniga, kaasi oo socda dhowr saacadood, islamarkaana ay ku dhinteen dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo qarakood ay is-qarxiyeen.

Falkan, waxaa fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa isagoo abaaray albaalka xarunta laga galo.

Dhacdadan, waxaa sheegatay kooxda Daalibaan, iyagoo ku qoray baraha taageera inay weerarkaasi la beegsadeen saraakiil dowladda katirsan.

Arrintan saamaynteeda ayaa laga dareemaya magalada Kabul, waxaana goob jooge la hadlay warbaahinta caalamka uu sheegay inuu arkay maydka askar katirsan dowaldda iyo dad shacab ah kuwaasi oo waxyeello kasoo gaartay qarax iyo rasaas labada dhinac isweydaarsadeen.

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa weerarka cambaareeyey, wuxuuna sheegay in dad badan lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Kooxdan dagaalka kula jirta ciidamada dowladda ayaa inta badan weeraro ismiidaamin iyo qaraxyo kale isugu jira ka gaystay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, waxayna xoojiyay sannadkan kadib markii uu xoogaystay xiriirka Afghanistaan la leedahay waddamada reer Galbeedka.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM