​29 qof oo ku dhintay doon ku dagtay Masar

Image

Wararka ka imaanaya dalka Masar, ayaa sheegaya in doon siday 600 oo qof ku qaraqantay mid kamid ah xeebaha waddanka Masar.

29 kamid ah dadkaasi, waxaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, halka kooxa gurmadku soo bad-baadiyeen in kabadan 150 qof.

Waxaa sidoo kale baadi goob loogu jiraa dad kale oo nool kuwaasoo la sheegay inay ka badbaaday musiibadaasi.

Doonta dhacday ayaa kusii jeeday xeebaha dalka Talyaaniga inkastoo aan la hayn caddayn rasmi ah.

Lama oga sababta rasmig ah ee ka dambaysa shilkaas, balse waxaa la ogyahay in duunyaha qaada dadka muhaajiriinta ah si xad dhaaf ah loo buuxiyo.

Dadka geeriyooda ayaa badi kasoo jeeda qaaradda Afrika.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in Doonta ayaa ku degtay xeebta magaalada dekadda ah ee of Rosetta. Wasaaradda Caafimaadka ayaa laga soo xigtey in dadka dhintey ka mid ahaayeen dad u dhashay dalka Sudan iyo waddamo kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM