​37 qof oo ku dhintay diyaarad ku bur-burtay Kyrgyzstan

Image
Image
Image
Image
Image

Diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku bur-burtay waddanka Kyrgyzstan xilli ay ku sii jeeday magaalada Istanbul balse kusii hakanaysay garoonka diyaaradaha Manas.

Waxay iyadoo xamuul sida kasoo duushay Hong Kong, iyadoo dishay 37 qof, oo intooda badan ay joogeen dhulka, sida mas'uuliyiinta dalkaas sheegeen.

Dadka dhintay waxaa ku jira ilmo aad u yar oo ku sugnaa halka ay ku dhacday diyaaraddu.

Diyaaradda Boeing 747 TC-MCL, oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee ACT Airlines ayaa soo dhacday xilli ay ku dagaysay garoonka Manas, oo 25km dhinaca waqooyi ka xiga magaalo madaxda Bishkek.

Sababta shilka ayaa la rumaysanyahay inay tahay ciiryaamo ka jirta magaaladaas.

Ugu yaraan 15 guryo ayaa ku burburay tuulo garoonka banaankiisa ku taalla, waxaana sawirro ay kasoo qaateen wakaaladaha wararka dalkaasi muujinayeen burbur baahsan.

Duulimaadka TK6491 ayaa sii marayay garoonka Manas, isagoo u socda Istanbul, Turkey.

ACT ayaa ah shirkad diyaarad oo saldhigeedu yahay magaalada Istanbul iyadoo la sheegay inay shaqaynaysay in kabadan 14 sano.

Ra'iisalwasaare ku xigeenka Muhammetkaly Abulgaziev, telefishinka waddankaasi ayaa xusay in sababta shilka keenay qalad ka yimid duuliyaha diyaaradda.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Shirkadda ACT.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM