​5 katisan ciidanka Kenya oo Mandheera lagu dilay

Image

Mallayshiyaad loo malaynayo inay katirsanyihii ururka Al Shabaab ayaa weerar ka gaystay deegaan katirsan degmada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya, waxaana lagu qaaday ciidamo Kenyan ah oo ilaalo ka ah Bas.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay 5 askari, kuwaasi oo sugayey amniga gaari rakaab ah oo ku safrayey meel u dhow magaalada Ceelwaaq ee xadka Soomaaliya, markii maleeshiyada ay ku dhufteen gantaal laga soo rigay qoriga RPG ama Soomaalidu u taqaan Sabanka.

“Waxaan cambaareeneynaa weerarka ay kooxda Al-Shabaab saaka ka fuliyeen deegaanka Dimu, oo shan sarkaal lagu dilay,” Waxaa sidaas bartiisa twitter ku sheegay barasaabka Mandheera, Cali Roba.

Mallayshiyada weerarka gaysatay ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 30 ruux, waxaana raadkoodu aaday dhinaca dalka Soomaaliya.

Ururka Al Shabaab ayaa weeraro isdaba joog ah ka gaysanayay dalka Kenya, waxaana weerarkan kusoo aaday xilli dhawaan howlgal lagu dilay madaxii ururkaas ee Waqooyi Bari Kenya, Dul-yaddayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM