5 qof oo ku dhimatay diyaarad ku bur-burtay Colombia

Image

Shan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen diyaarad rakaab ah oo maanta oo Arbaco ah ku burburtay bariga dalka Colombia.

Diyaarada oo ahayd Boeing 727 ayaa ku dhacday Garoonka German Olano, oo ku yaalla magaalada Puerto Carreno, oo ku dhaw xadka dalka Venezuela.

Shaqaalaha Garoonka, ayaa sheegay in Diyaaraddaasi ay la socdeen lix shaqaalaheeda katirsan, kuwaasi oo 5 kamid ah ay dhinteen, halka midka lixaad uu soo gaarey dhaawac culus.

Diyaaradda ayaa dhacday 3 Daqiiqo kadib markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha German Olano, waxaana la baarayaa sababta shilkaasi sababay.

Todobaadyo kahor, 71 qof oo katirsanaa Kooxda Kubbada Cagta ee Chapecoense ee dalka Brazil, ayaa ku geeriyooday Diyaarad ku dhacday Dhul Buuralay ah, oo ku yaalla dalka Colombia.

Shilkaasi Diyaaradeed ee ka dhacay wadanka Colombia, waxaa ka badbaaday 3 Ciyaartooy, labo shaqaale iyo Suxufi, kuwaasi oo kasoo jeedo dalka Brazil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM