5 qof oo ku dhimatay diyaarad ku bur-burtay Colombia

Image

Shan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen diyaarad rakaab ah oo maanta oo Arbaco ah ku burburtay bariga dalka Colombia.

Diyaarada oo ahayd Boeing 727 ayaa ku dhacday Garoonka German Olano, oo ku yaalla magaalada Puerto Carreno, oo ku dhaw xadka dalka Venezuela.

Shaqaalaha Garoonka, ayaa sheegay in Diyaaraddaasi ay la socdeen lix shaqaalaheeda katirsan, kuwaasi oo 5 kamid ah ay dhinteen, halka midka lixaad uu soo gaarey dhaawac culus.

Diyaaradda ayaa dhacday 3 Daqiiqo kadib markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha German Olano, waxaana la baarayaa sababta shilkaasi sababay.

Todobaadyo kahor, 71 qof oo katirsanaa Kooxda Kubbada Cagta ee Chapecoense ee dalka Brazil, ayaa ku geeriyooday Diyaarad ku dhacday Dhul Buuralay ah, oo ku yaalla dalka Colombia.

Shilkaasi Diyaaradeed ee ka dhacay wadanka Colombia, waxaa ka badbaaday 3 Ciyaartooy, labo shaqaale iyo Suxufi, kuwaasi oo kasoo jeedo dalka Brazil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM