​55 qof ku dhimatay dagaal ka dhacay Ugandha

Image

Tirada dhimashada ayaa lagusoo waramayaa inay sare u kacdaya kadib markii maalinta Sabtida 26 November, 2016 isku dhaceen ciidamo Booliis ah iyo koox loo malaynayo inay katirsanyihiin Boqortooyo yar oo ku taalla gobolka Kasese.

Booliska Uganda ayaa sheegaya in 55 ruux ay sabtigii ku dhinteen dagaal ay la galeen koox isku dayeysa inay sameysato jamhuuriyad u gaar ah.

14 booliska ka tirsan iyo 41 loo maleynayo kuwa weerarka soo qaaday ayaa dagaalka ku dhintay, waxaana hadda taagan Xiisad u dhaxaysa dowladda iyo boqortooyo yar, halkaasi oo dadka ay u arkaan in laga tagay.

Rabshadaas ayaa la sheegay inay sababtay xarig loo gaystay boqorkaas oo lagu magacaabo Omusinga Charles Mumbere.

Ciidamada Ammaanka Uganda ayaa la geeyay magaalada Kasese ee galbeedka dalka si ay uga hortagaan koox hubeysan oo dadka deegaanka ay ugu yeeraan Kirumira Mutima.

Afhayeen u hadlay booliska Andrew Felix Kaweesi, ayaa tilmaamay in dagaalyahannada ay ahaayeen kuwo aad u tababaran oo si waanaagsan isu soo qaabeeyay, lamana oga inta ay la egtahay tiradooda.

Andrew, ayaa xusay in qaar ka mid ah kooxda hubeysan ay isku qarinayaan qasriga Omusinga Charles Mumbere oo ah boqor deegaanka.

Boqorka ayaa lagu eedeeyay inuu kooxda taageerayo, kuwaasi oo doonaya inay ka dhistaan maamul cusub xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Balse goor sii horaysay mar uu ka hadlay arrintaas, Boqorka ayaa xusay inuusan wax eed ah ku lahayn dhacdooyinka khasaaraha badan dhaliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM