​8 sano jir Somali ah oo Sweden lagu dilay

Image
Image
Image

Wararka maanta oo Talaado ah laga helayo waddanka Sweden ayaa sheegaya in la dilay cunug jira sideed sano kadib markii hoy ay isaga iyo waaridkiis hurteen xalay saq dhexe lagu weeraray wax loo malaynayo Bamb gacmeed.

Qoyska cunuga laga dilay ayaa booqasho ku joogay caasumadda Labaad ee dalkaasi Gothenburg.

Booliiska dalkaasi ayaa wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxaana socda dadaallo lagu baadi goobayo shakhsiyaadkii ka dambeeyay.

Guriga weerarku ka dhacay, waxaa horay u daganaa qof loo haystay dil ka dhacay dalka Sweden.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo weeraray qoyskan kasoo kicitimay magaalada London ee dalka Britain.

Dhowr jeer oo hore waxaa waddankaasi dil loogu gaystay dad Somalia ah lama oga sababta loo bar-tilmaameedsado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM