​9 qof oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Nigeria

Image

Qaraxayada waxay ka dhaceen Wararka laga helayo magaalada Maiduguri ee waqooyi bari dalka Nigeria, ayaa sheegaya in halkaas maanta ka dhaceen qaraxyo kala duwan oo galaaftay nolosha ku dhawaad 9 qof.

Maamulka dalkaas, ayaa ku waramay in laba qarax oo maanta ka dhacay dadkaas ku dhinteen islamarkaana ku dhaawacmeen in ka badan 20 ruux oo kale.

Qaraxa koobaad, ayaa saaka aroortii ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Halka kan labaadna lala eegtay goob shidaalka laga dhoofiyo oo ku taalla gudaha magaalada Maiduguri.

Mas'uuliyadda qaraxyadan, ayaa loo malaynayaa inay ka dambaysay kooxda Boko Xaraam oo muddooyinkii dambe xoojisay weerarada ay ka geystao Waqooyiga Nigeria.

Xaaladda magaalada Maiduguri, ayaa dagan, waxaa si caadi ah u socda ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM