Abiy Axmed oo Isbedel ku sameeyay hogaanka Ciidamada Ethiopia

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed ayaa isbedal uu ku sameeyay hogaanka sare ee ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka dalkan Geeska Africa ku yaalla, markii ugu horeysay mudo 17-sano ah.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Ethiopia ayaa loo magacaabay Seare Mekonnen, oo asal ahaan kasoo jeeda Eritrea, oo ah dal yar oo ka go'ay Ethiopia 1993, islamarkaana colaada kala dhaxeysa.

Seare ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Tigray, oo ah mida mudada ugu badan xilalka Taliye-yaasha Militeriga, Amniga iyo Sirdoonka soo haysay tan iyo markii awooda uu la wareegay xibiga (EPRDF) 1991.

Sidoo kale, Seare ayaa hadda xukunka kala wareegaya General Samora Younes, oo isna kasoo jeeda isla qowmiyaddaTigray kaasi oo xilkan soo hayay tan iyo sanadkii 2001.

Abiy Axmed ayaa Agaasimaha guud ee Hay'adda Sirdoonka Qaranka u magacaabay Adem Mohammed, kaasoo asal ahaan kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarta, oo mid ah kuwa ugu waa weyn dalka Ethiopia.

Ciidamada Eritrea ee ku sugan aagga dagaalka ee xadka Belesse oo dagaal isku diyaarinaya  [Sawirka:1999/Reuters]

Adem, oo xilal kala duwan kasoo qabtey Ciidamada, ayaa horey usoo noqday Taliyaha Ciidamada Cirka Ethiopia iyo ku xigeenka Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha Abiy Axmed ee isbedellada gudaha iyo dibadda ee uu ku sameynayo dalka Ethiopia, isagoo dhawaan shaaciyay inuu degmada Badme ku wareejinayo Eritrea.

Badme ayaa kamid ah xadka lagu mursansan yahay, oo Eritrea iyo Ethiopia uu dagaal ku dhexmaray 1998-2000 kaasi oo lagu dilay 100,000 oo qof, sidoo kalena malaayiin ay ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM