Abiy Axmed oo ka degay Imaaraadka kadib safarkiisa Qadar

Image
Image
Image
Image

ABU DHABI, UAE - Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka degay magaaladda Abu Dhabi ee caasimada Isu tagga Imaaraadka Carabta kadib booqashadiisa dalka Qadar.

Abiy ayaa wadahadalo la yeeshay Dhaxal sugaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo taliye ku xigeenka ciidamada wadankaasi.

Dhinacyada ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ku saabsan gobolka, caalamka iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya dalalkaasi.

Kulanka kadib, ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Dhaxal sugaha ayaa si wadajir ah u kormeeray qaar kamid ah xidigaha ku tartameysa ciyaaraha caalamiga ah ee Olimbikada Abu Dhabi.

Safarka Abiy ee Imaaraadka ayaa kusoo aadaya iyada oo uu shalay tegay Qadar, halkaasoo uu kula soo kulmay Amiir Sheikh Tamim bin Hamad.

Abiy ayaa booqashadiisii ugu dambeysay ee Imaaraadka waxay ahayd bishii Julaayo, markaasoo uu wehliyay madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Intii ay ku sugnaayeen Imaaraadka, hogaamiyaasha wadamada geeska Afrika ayaa loo gudoonsiiyay bilada ugu qiimaha badan Imaaraadka heshiiska nabadeed oo ay kala saxiixdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM