Adeegsiga qalabka is-wada oo laga dalbadey in xeerar loo sameeyo

Image
Mareykanka ayaa hogaaminaya dowladahan dalbanaya in Garaadka Macmalka ah si weyn loo xakameeyo.

AMSTERDAM, Holland - Militariga Maraykanka ayaa bilaabay mashruuc uu dowladaha adduunyada kale kala kaashanayo sidii salka loogu dhigi lahaa xeer caalami ah oo is afgarad ah oo lagu xakameeyo Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence) gaar ahaan marka loo adeegsanayo xagga dagaalada iyo hubka.

Qorshahan ayuu Maraykanka shaaciyay kadib markii magaalada Hague ee dalka Netherlands ku dhamaaday shirweyne ay ka qeybgaleen 60 dal, kaas oo looga hadlayay sii faafitaanka Garaadka Macmalka iyo makiinadaha iyaga is dira.

Waxaa aad usoo kordhaya adeegsiga garaadka macmalka ee dagaalada, gaar ahaan dalka Ukraine oo la sheegay in dowladda Ruushka ay aad u adeegsanayso qalab ciidan oo iskood isu wada, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayd ee gantaalada lagu rakibay.

Maraykanka waxa uu soo jeediyay 12 qodob oo noqonaya xeer caalami ah si looga hortago in makiinad ama qalab isaga is wada uu horseedo musiibo weyn ama dagaalo aan ku talogal ahayn.

Waxa si gaar ah welwel looga qabaa in Garaadka Macmalka lagu rakibo qalabka iyo gantaalada hubka Nukliyeerka, waxaana qodobada lasoo jeediyay ka mid ah in qasab laga dhigo in qalabkani ay markasta maamulaan dadka.

Qodobadan lasoo bandhigay ka sokoow, waxa uu Maraykanka doonayaa in dowladaha adduunka mid kasta iskiis uu u qorto xeerar uu ku xakamaynayo arrintan.

Dowladaha ka qeybgalay shirka Hague ayaa iyaguna ku baaqay baahida loo qabo in dunida xeer ka yeelato sida loo adeegsanayo qalabka iskood isu wada. Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence) waa qalab sidda bini'aadamka u shaqeynaya waxaana sanadihii lasoo dhaafay hirgaliyey dowladaha tunka weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM