Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da
WASHINGTON — Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa sheegtay inay ka guureyso gurigeeda ku yaalla Washington, DC, kadib markii toddobaadkii hore ay baaritaan ku sameeyeen wakiillo ka tirsan dowladda federaalka, iyadoo sheegtay in dareenka iyo hadal-haynta ka dhalatay howlgalkaasi ay ka dhigeen inay halkaas ammaan ku dareemi weydo.
Saraakiisha federaalka ayaa baaraya tuhun la xiriira musuqmaasuq suurtagal ah oo ku saabsan dukumentiyada socdaalka ee qoyskeeda, waxaana amarro maxkamadeed oo loogu yeerayo markhaatiyaal la siiyay qaar ka mid ah eheladeeda, sida uu wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay qof xog-ogaal u ah baaritaanka.
Ilhan Omar, oo ku dhalatay Soomaaliya, balse markii dambe qaadatay dhalashada Mareykanka, ayaa Arbacadii wareysigii ugu horreeyay ee ay bixiso tan iyo baaritaanka ku sheegtay inay ku kalsoon tahay inaysan wax khalad ah sameyn.
“Waxaan ku kalsoonahay xaqiiqda ah inaanan wax khalad ah sameyn,” ayay tiri.
Xildhibaantan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, kana soo jeedda gobolka Minnesota, ayaa marar badan dhaliishay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo dhowr jeer ku baaqay in dacwado lagu soo oogo dad uu u arko inay siyaasad ahaan ka soo horjeedaan.
Wareysi ay siisay telefishinka MS NOW, Ilhan Omar ayaa sheegtay in baaritaanka gurigeeda uu walaac ku abuuray, xilli ay toddobaadyo ka harsan yihiin doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee 3-da Nofeembar, kuwaas oo lagu go'aamin doono cidda maamuleysa Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka.
Ilhan Omar ayaa mar kale u tartameysa kursigeeda degmada Minneapolis, halkaas oo ay ka tirsan tahay xildhibaannada gobolka Minnesota ku matala Aqalka Wakiillada.
Waxay sheegtay inay hurdada ka soo toostay abbaaraha 6-da subaxnimo markii baarayaal ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ay albaabkeeda garaaceen, iyagoo wata amar baaritaan.
Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno, buugaag xusuus-qor ah, buug carruurta loogu talagalay oo ku qoran afka Soomaaliga iyo kamarad duug ah oo ninkeeda hadiyad ahaan loo siiyay.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa ilaa hadda bixisay faahfaahin kooban oo ku saabsan kiiska, iyadoo kaliya sheegtay inuu yahay baaritaan dembiyeed.
Ilhan Omar ayaa qoyskeeda ula timid Mareykanka iyadoo 12 jir ah, kadib markii ay heleen magangelyo. Shan sano kaddib, sannadkii 2000, ayay qaadatay dhalashada Mareykanka.
“Waxay noqon lahayd hawl aad u weyn in, sida muuqata, lagu soo oogo dacwad ilmo 12 jir ah oo si xeeladaysan u maleegay inuu khiyaaneeyo hay’adaha socdaalka si uu Mareykanka u yimaado. Waan hubaa inay jiraan carruur 12 jir ah oo caqli badan, laakiin taasi waxay u muuqataa tallaabo aad u fog,” ayay ku tiri wareysiga.
Baaritaanka ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay xildhibaannada Dimuqraadiga, kuwaas oo sidoo kale su’aalo ka keenay waqtiga la fuliyay. Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa taariikh ahaan ka taxaddari jirtay tallaabooyinka baaritaan ee si muuqata u saameyn kara musharraxiinta marka ay doorashooyinka ka harsan yihiin maalmo ama toddobaadyo.
Ilhan Omar ayaa sheegtay in saraakiishii baaritaanka fulisay ay ahaayeen kuwo faragelin badan sameeyay, balse edeb lahaa, isla markaana ay diiwaangeliyeen waxyaabihii ay qaateen iyagoo wixii kale meeshoodii ku celiyay.
GAROWE ONLINE