Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano
WASHINGTON - Wariyaha caanka ah ee Christiane Amanpour, oo ah weriyaha ugu sarreeya ee CNN u qaabilsan arrimaha caalamka, ayaa ku dhawaaqday inay sanadka soo socda ka tagayso telefishinka, kaddib in ka badan afartan sano oo ay ka shaqaynaysay.
Amanpour, oo 68 jir ah, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay go’aankan qaadatay kaddib bilo badan oo ay ka fiirsanaysay iyo habeeno ay hurdo la’aan ku qaadatay.
“Waxaan go’aansaday inaan kala tago CNN, oo ah saaxiibkayga aan la soo qaatay 43 sano oo cajiib ah,” ayay tiri Amanpour.
Waxay sheegtay inay rajaynayso inay mustaqbalka ka shaqayso mashaariic cusub oo xiiso leh, iyadoo intaas ku dartay inay mar walba taageeri doonto CNN isla markaana ay ilaalin doonto taariikhda saxaafadeed ee madax-bannaan ee telefishinka.
“Xusuusta: mar walba runta sheeg, dhexdhexaadna ha iska dhigin,” ayay tiri, iyadoo hadalkeeda ku muujisay muhiimadda ay siinayso xaqiiqo-sheegidda saxaafadda.
Guddoomiyaha CNN, Mark Thompson, ayaa Amanpour ku tilmaamay mid ka mid ah suxufiyiinta loogu kalsoonida badan yahay uguna caansan dunida. Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.
Amanpour waxay CNN ku biirtay sannadkii 1983-kii, iyadoo ka shaqaynaysay qaybta wararka caalamka. Muddo kaddib, waxay noqotay mid ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan telefishinka, iyadoo wararkeeda inta badan ku saabsanayeen dagaallada, colaadaha iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka.
Tan iyo sannadkii 2009-kii, waxay CNN International ka soo jeedinaysay barnaamij wareysiyo oo habeenle ah, kaas oo ay ku martigeliso hoggaamiyeyaasha siyaasadda, diblomaasiyiinta iyo shakhsiyaadka saamaynta ku leh arrimaha caalamka.
Ka tegisteeda CNN ayaa soo afjari doonta muddo shaqo oo ka badan afartan sano, taas oo ay ku soo tebisay qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee caalamka, gaar ahaan dagaallada iyo qalalaasaha siyaasadeed.
GAROWE ONLINE