Myanmar: Ciidanka oo xukunka la wareegay; madax la xiray

Image

NAYPYITAW, Myanmar – Wax u muuqda inqilaab aan dhiig ku aadan ayaa ka dhacay Myanmar xilli milatariga ay sheegeen in ay xukunka ka wareegeen muddo hal sano ah ayaga oo iclaamiyey xaalad deg-deg ah. Ciidanka waxay talaabadan u cuskadeen "musuqmaasuq doorasho".

Telefishinka dowladda ayaa hawada looga "sababo cilad isgaarsiin". Sidoo kale, internet iyo qadadka telefoonka waxaa lasoo sheegayaa in aysan shaqeynayn.

Hogaamiyihii Myanmar, Aung San Suu Kyi, iyo xubno sar-sarre oo ka tirsanaa xisbiga taladda dalkaas haya ee National League for Democracy [NLD] ayaa lagu waramay in xabsi loo taxaabay Isniinta maanta ah.

Xariga Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo xubnaha sar-sarre ayaa ka dambeeyay markii ay cirka isku-sii-shareertay xiisad muddooyinkii dambe u dhaxeysay ciidamadda iyo dowladda rayidka ah, sidda uu sheegay afhayeenka xisbiga NLD.

Myo Nyunt, afhayeenka xisbiga oo ay soo xiganeyso dhamaan warbaahinta caalamka, ayaan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xiisadda ooganeyd.

Tan iyo markii ciidamadda ay tibaaxeen in doorashooyinkii dhowaan ka dhacay falkaas ay been abuur ahaayeen, waxaa aad looga cabsi qabay in afgembi uu dhici karo.

"Waxaan doonayaa in aan dadkeena u sheego in aysan deg-deg uga jawaabin ayna u hogaan-samaan shuruuda," ayuu Nyunt yiri, isaga oo ku daray. "Aniga qudheyda waxaan rajeynayaan in ciidamadda ay xabsiga uu dhaadhici doonan".

Bishaan Janaayo 19-keeda ayay ahayd markii howlgalada diblumaasiyadeed ee 16 waddan ayaa ciidamadda Myanmar uga digay inqilaab, waxaana ay ku tartarsiiyeen in ay u hogaan-samaan xeerarka dimuqraadiyadda ee aduunka.

Suu Kyi oo xisbigeeda ku guuleystay doorashooyinkii November, 2020 ayaa halyeey dhanka dimuqraadiyadda ka ah Myanmar, balse waxaa aad loogu dhaleeceeyay in aysan la tacaalin tacadiga Muslimiinta laga tiro badan yahay.

Sumcadii ay sameysay tan iyo markii ay sanadkii 2015-kii ku guuleystay hogaaminta waddankaas waxaa hoos u dhigay eedeymaha la xiriira in ay indhaha ka fariisaneyso xasuuqa Muslimiinta Rohingya, inkasta oo dowladeeda ay beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM