Afgambi lagu sameeyay dowladda Burkina Faso

Image

17 September, 2015(GO)-Ilaalada madaxtooyada dalka Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay inay kala direen dowladdii ku meel gaarka ahayd ee dalkaas.

Xubin ka mid ah ciidamadamada ilaaliya madaxtooyada ayaa ka muuqday TV-ga dowladda,wuxuuna ku dhawaaqay in dowladdii ku meelgaarka ahayd lakala diray.

Ciidamada ayaa sidoo kale xiray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo kullan heer wasiiro ah ku lahaa dhismaha madaxtooyada ee caasimadda dalkaasi Ouagadougou.

Tallaabadan ayaa timi kaddib laba maalin oo guddi ku taliyeen in shaqada laga joojiyo ciidamada ilaaliya madaxtooyada dalkaasi, waxayna arrintani u muuqataa Afgambi.

Waa hadalkii ugu horeeyay ee ka soo yeera ciidamada ilaalada madaxtooyada Burkina Faso, tan iyo markii madaxtooyada ay la wareegeen.

Rabshado ka dhacay wadankaasi bishii October ee 2014 ayaa xoog xilka looga tuuray madaxweynihi mudad soo talinayay ee Mr Compaore oo haatan carar ku maqan, waxaan rabshadahaasi ku luglahaa Barlamanka dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM