​Afganistaan oo lagu diley hogamiyihii ugu sareeyey IS

Image

War kasoo baxay ciidamada Afgaanistaan ayaa sheegaya in la dilay hogaamiyihii ugu sareeyey kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish.

Ninkan la diley ayaa lagu magacaabi jirey Saad Imarat, wuxuuna ahaan jirey taliye ciidan oo ka mid ahaa Taalibaan.

Wararka kale ee kasoo baxayaa dalkaas ayaa caddeeyay in lala diley hogaamiyahaas ku dhawaad 120 qof oo ka tirsanaa ISIS.

Waxaa xogtu intaas ku daraysaan in goobo muhiim u ahaa Daacish sida; xarumo caafimaad, maxkamado iyo saldhigyo ciidan lagala wareegay.

Howlgalka oo wali socda islamarkaana ka bilowday degmada Kot, ayaa lagusoo waramayaa in bartilmaameedku ahaa madaxda ugu sarraysa ururkaasi.

Howgalkan ay sameeyeen ciidamada Afganistaana ayaa ahaa mid aad u ballaaran kaasoo la xaqiijiyay inuu dhabar jab xoogan ku yahay kooxaha kasoo horjeeda dowladda fadhigeedu yahay Kabul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM