Afgembigii Gabon oo dhicisoobay iyo Askartii ka danbeeyay oo la xiray

Image

Milatariga dalka Gabon ayaa maanta qaaday isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda dalkaas.

Saraakiisha milatariga ayaa qabsaday raadiyaha qaranka Gabon ee magaalada caasimadda ah ee Libreville, aroortii maanta oo isniin ah.

Kelly Ondo Obiang ayaa raadiyaha ka sheegay in khudbad uu dhowaan raadiyaha ka jeediyey madaxweyne Cali Bongo “ay sii xoojisay tuhunka laga qabo awoodda uu u leeyahay inuu sii wato gudashada mas’uuliyadaha xafiiskiisa”

Madaxweynaha ayaa iminka ku sugan dalka Morocco, isaga oo kasoo kabanaya dhiig maskaxda uga furmay.

Dowladda ayaa saacado kadib isku daygaas sheegtay inay dib ula wareegtay maamulka, islamarkaana ay xirtay inta badan saraakiishii ku lugta lahaa afgambiga.

Afhayeenka dowladda Guy-Bertrand Mapangou ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in deganaansho dib loo caliyey xaalduna ay tahay mid ay gacanta ku hayaan.

Guy-Bertrand Mapangou ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in afar ka mid ah askartii qabsatay raadiyaha qaranka la xiray, midka shanaadna lagu raad joogo.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM