​Afghanistan: 27 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Kabul

Image

Warar ka imaanaya dalka Afghanistan gaar ahaan magaalada Kabul, ayaa sheegaya inay dhinteen 27 ruux, 40 kalena soo gaareen dhaawacyo kala duwan kadib weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarun Booliis oo 20KM dhinaca Waqooyi ka xigta caasumadda dalkaasi.

Dadka dhintay waxaa kamid ah saraakiil Booliis oo waqtiga la qarxiyay kusii jeeday magaalada Kabul, waxaana tirada dhimashada ee Boliiska dalkaasi la sheegay inay marayso 20 qof.

Guddoomiyaha gobolka Paghman Mousa Rahmati, ayaa warbaahinta Associated Press u sheegay in qaraxaasi uu fuliyay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, isagoo intaasi raaciyay in dadka dhintay ku jireen saraakiil kasoo laabtay tababar ka dhacay gobolka Wardak.

Mas'uuliyadda weerarkaasi waxaa sheegatay kooxda Taalibaan, kadib Email ay u direen wakaaladda wararka ee Associated Press, waxaana qoraalkaasi soo gudbiyay ruux sheegtay afhayeenka ururka oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid.

20 bishan ayay ahayd markii qaraxyo ka dhacay caasumadda Kabul lagu dilay 24 ruux ay ku jireen 12 kamid ah ciidamo kasocday dalka Nepal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM