Afghanistan: Taliban oo weerartay xarunta baarlammaanka ee Kabul

Image
Image

June 22, 2015 (GO)- Taliban ayaa maanta oo Isniin ah weerar qorsheysan la beegsatay xarunta baarlammaanka dalka Afghanistan ee magaalada Kabul.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari miineysan, waxaana intaas kaddib dhismaha gudaha u galay dhowr dagaalyahan oo si aad ah u hubeysan.

Rasaas ayaa ka dhacaysa gudaha xarunta baarlammaanka, waxaana goobta ku hareeraysan cidamada sida gaarka ah u tababaran iyo booliska oo iskaashanaya.

Dhammaan xildhibaannada ayaa iyagoo bed qaba goobta laga saarey, haseyeeshee waxaa weerarka ku dhaawacmay hal xildhibaan oo dumar ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta qorshuhu ahaa in baarlammaanka dalkaasi codka kalsoonida u qaadaan wasiirka cusub ee gaashaan-dhigga Massoom Stanekzai.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM