Afghanistan: weerar is-miidaamin ah lala beegsaday saldhig ciidan

Image

February 17, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban sarkaal oo booliska dalka Afghanistan ka tirsanaa ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen weerar is-miidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla bariga dalka Afghanistan.

Af-hayeen u hadlay booliska Afghanistan ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen afar qof oo isa soo miidaamyey, isagoo intaas raaciyey in kooxda weerarka fulisey ku lebisnaayeen diriiska ciidamada islamarkaana wateen gaadiidka booliska taasoo u sahashay in ay saldhiggaas gudaha usoo galaan.

Mas'uuliyadda weerarka weli cidi ma sheegan hasyeeshee kooxda Taliban ayaa horay dalkaas uga fulisey weeraro badan oo caynkan oo kale ah.

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa dhimey tirada ciidamada ka jooga dalka Afghanistan iyagoo gaarsiiyey 12,500 oo u badan saraakiil ciidan kuwaasoo badi hawshoodu tahay tababarista ciidamada ammaanka ee Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM