Afhayeenkii Al-Qaacida oo $1.3 milyan loogu iibiyey guri
WASHINGTON, US – Afhayeenkii hore ee shabakada Al-Qaacida kaasoo si dhow ula shaqeeyay Amiirkii la dilay ee kooxda Osama bin Laden ayaa haatan si xor ah wuxuu ugu nool yahay magaala madaxda dalka Ingiriiska ee London.
Tani ayaa ka dambeysay markii looga soo daayey xabsiga Mareykanka cabsi la xiriira Covid-19 iyo in uu la nool-yahay cuduro ay kamid tahay neefsashada oo ku adag iyo cayilkiisa, sidda uu wariyey wargeyska afka dheer ee Daily Mail.
Adel Abdel Bary, lixdan [60] jir u dhashay Masar, ayaa 25-sano oo xabsi ah ugu xirnaa Mareykanka weeraradii 1998 safaaradaha Ameerika ee wadamada Kenya iyo Tanzania kuwaasoo ay ku naf-waayeey in ka badan 224 ruux.
Sii deyntiisa xilli hore iyo kusoo laabashadiisa UK ayaa loo aaneeyay markii cudurada uu qabo ay khatar u geliyeen in uu qaado safmarka Covid19.
Sidda laga soo xigtay warbixinta Daily Mail, Abdel Bary iyo qoyskiisa ayaa ku nool guri qiimihiisu dhan yahay 1.3 milyan oo Doolar, waxaana lacagtaas ka bixiyey golaha degaanka ee Maida Vale, degmo dhacda waqooyi galbeed London.
Jariirada ayaa intaas ku dartay in Adel Abdel Bary uu dhex-mushaaxayo waddooyinka una muuqdo mid caafimaadkiisa uu taam-yahay, wallow qareenadiisu sheegayaan in xanuunka hayo "uu aad u daran yahay".
Qareenka aabahan lixda caruur ayaa tibaaxay in Adel Abdel Bary uu doonayo in uu xukunka dhameysto isaga oo qoyskiisa kula joogo nolol xasiloon.
Hasa ahaatee, majaladda reer UK ee Daily Mirror ayaa tabisay in dhaqdhaqaaqa Adel Abdel Bary ay tusinayan in si dhow loola socon doono sanado badan isla markaana la daba-dhigi doono saraakiil ammaan oo bad-qabkiisa ilaalin doona.
Abdel Bary wuxuu isaga oo jooga Masar helay magan-galyada lagu keenay Ingiriiska sanadkii 1991, waxyar ka dib markuu UK yimidna wuxuu aasaasay unug argagixiso oo markii dambe la midoobay shabakadda Al-Qaacida.
1999-kii ayaa la xiray isaga oo sheegashada Al-Qaacida ee masuuliyada qaraxyadii safaaradaha 1998 u gudbinaya warbaahinta, markii dambena waxaa loo gacan galiyay Mareykanka, halkaasoo uu wajahayay maxkamadeyn culus.
Waxaa lagu soo oogay 285 dambi balse wuxuu qirtey in yar oo ay ka mid yihiin in uu khatar geliyey nolosha muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda ku nool.
Garsoorka kormeerayay dacwadiisa ayaa sharaxay in 25-ka sano ee xukunka lagu ridday ay ka dhalatay "gorgortan qiraal aad iyo aad u ballaaran".
Abdel Bary oo dhalashada UK looga xayuubiyey in uu argagixiso u dagaalamay waa aabaha Abdel-Majed Abdel, oo Daacishnimo loo xukumay laguna qabtay dalka Spain markii uu u safray Suuriya, iskuna sawiray askari la gowracay.
GAROWE ONLINE